Kuliyada farsamada gacanta

Kuliyada farsamada gacantu waxa weeye waxbarasho dugsiga sare ka dib la dhigto, oo isku dhafeysa tiyori iyo tabobar iyadoo si dhow loola kaashado nolosha shaqada.

Kuliyada farsamada gacanta ayuu loo shaqeeyahu yahay mid si firfircoon uga qeyb qaata marka laga eego qorsheynta iyo meelmarinta waxbarashada labadaba. Waxaad iyaga kula kulmaysaa casharada/muxaadarooyinka, mashaariicda iyo tababarkaaga (LIA).

Maadaama oo baahiyaha suuqa shaqadu ay is bedbedelaan muddo ka dib, ayaa sidoo kale waxyaalaha ay waxbarashadu ka kooban tahay iyo iyo jihadeeda dib u cusboonaysiin loogu sameynayaa. Qaar cusub ayaa la bilaabayaa iyadoo kuwa kale ay meesha ka baxayaan maadaama oo ay baahida xirfadu is bedeshay.

Waxay taasi qofka wax dhiganaaya u tahay in aqoontaada xirfadeed ay tahay mid wakhtiga la socota oo nolosha shaqada looga baahan yahay markaad waxbarashada dhameysato. 

Xogta

  • Waxbarashooyinka intooda badan waa lacag la'aan iyadoo aad dhammaantood gunnada waxbarashada xaq u yeelaneyso.
  • Waxaad kala dooran kartaa 16 qeybo waxbarasho oo kala duwan iyo boqolaal takhasusyo xirfadeed oo kala duwan.
  • Waxa uu LIA micnaheedu yahay in iyadoo tiyori ah iyo tabobar la isku dhafaayo wax lagugu baro goobta shaqada.
  • Waxay kuliyada farsamada gacantu ka kooban tahay waxbarasho bixiyayaal kala duwan (dugsiyo) oo dalka oo dhan ku baahsan.
  • Waxa waxbarashada bixiya shirkado waxbarashada ee gaarka loo leeyahay, degmooyinka/kamuunada, maamulka gobolka iyo jaamacadaha/kuliyadaha.
  • Waxay waxbarashadu hoos timaadaa oo kormeeraaya dawlada iyadoo ay tayada kantaroosho Wakaaladda kuliyada farsamada gacanta.
  • Ardeyda dhigata kuliyada farsamada gacanta ayaa badiyaa toos shaqo ugu hela markay shahaadada qaataan ka dib.

Innehållsförteckning

Sidee ayay taasi u shaqeysaa?

Dalabka iyo gelitaanka

Gunada waxbarashada iyo kharashka waxbarashada

Af Iswiidhishka xirfada ku wajahan

Xirfad dhab ah – ansixi khibradahaaga

Sidee ayay taasi u shaqeysaa?

Waxa kuliyada farsamada gacantu isku dhex dhaftaa tiyori iyo tabobar waxbarashooyinka intooda badan. Waxa tababarka loo yaqaan LIA waxaanu ku yaal goob shaqo dhexdeeda.

Xilliga LIA lagu jiro ayaa goobta shaqada wax lagugu barayaa iyadoo uu loo shaqeeyahu maareynaayo. Waxa uu taas micnaheedu yahay inaad aqoontaada aad dugsiga kala timid ka sii horumarinayso doonto. Isla xilliga waxbarashada lagu jiraba waxaad heleysaa khibrad shaqo iyo tababar doorka xirfada ah. Waxa intaas dheer inaad nolosha shaqada xiriir la yeelan doonto taas oo ay u badan tahay inaad toos markaad shahaadada qaadato ka dib shaqo ugu heli karto. Waxay LIA ku jirtaa manhajka waxbarashada iyadoo leh hadaf koorso oo ay tahay inaad gaadho. Dhammaan waxbarashooyinku waxay keenaan shahaado kuliyada farsamada gacanta oo ka kooban 400 YH-dhibcood (taas oo u dhiganta laba sano oo waxbarasho waqti buuxa ah) ama wax ka badan ay ugu yaraan ku jiraan 25 boqolkiiba oo LIA ah. Dugsiga kala xiriir wixii macluumaad sida LIA-da loo qorsheynaayo ku saabsan iyo qeyb intee leeg ay LIA-du ka tahay waxbarashada aad xiiseynayso.

Heerka

Waxbarasahda kuliyada farsamadau gacanta waa nooc waxbarasho oo dugsiga sare ka dib la qaato.

Dhererka barnaamijka

Waxbarashada kuliyada farsamada gacanta ayaa itooda badani ay u dhaxeeyaan hal ilaa laba sano.

Nidaamka dhibcaha

Dhererka waxbarashada waxa lagu sheegayaa dhibcaha kuliyada farsamada gacanta (dhibcaha-YH), halkaas oo ay shan dhibcood u dhigmaan waxbarasho wakhti buuxa la dhigto oo hal todobaad ah. waxay 100 dhibcood u dhigmaan waxbarasho lix bilood ah oo waqti buuxa la dhigto, 200 dhibcood hal sano oo waxbarasho waqti buuxa la dhigto, 400 dhibcood laba sano oo waxbarasho waqti buuxa la dhigto, iwm.

Waxaad jedwalka ku arki kartaa dhibcaha kuliyada farsamada gacanta marka la barbar dhigo nidaamka dhibcaha ee jaamacadaha iyo kulliyadaha. Fiiro gaar ah waxa kaliya la sheegayaa waa dhererka waxbarashada uun, ee ma aha heerka waxbarashadu u dhigan tahay.

Dhererka waxbarashada Dhibcana Kuliyada farsadama gacanta Dhincaha dugsiga sare
0,5 år 100 30
1 år 200 60
2 år 400 120
3 år 600 180

Imtixaan

Si ay waxbarashada kuliyada farsamada gacanta shahaado loogu qaato waa inuu dhererkeedu ugu yaraan hal sano ahaadaa. Haddii waxbarashadaada aan shahaado lagu qaadaneynin ayaad taas bedelkeeda heli doontaa cadeyn waxbarasho.

Waxa kuliyada farsamadu gacanta ay leedahay laba shahaado:

  • Shahaadada kuliyada farsamadu gacanta
  • Shahaadada kuliyada farsamadu gacanta ee khibradeed

Wakaalada iyo kuliyada farsamadu gacanta

Waxay wakaalada kuliyada farsamadu gacanta ay shaqadeeda ugu weyni tahay inay mas'uul ka tahay arrimaha khuseeya kuliyada farsamadu gacanta ee Iswiidhan iyagoo ka shaqeeya inay waxbarashadu buuxiso baahida xirfada ee nolosha shaqada. Waxa jira sharci iyo xeer gaar ah kaas oo kala nidaaminaaya shaqada wakaalada iyo waxbarasho bixiyayaasha. Waxay wakaaladu sameysaa kormeerka oo ay maareysaa cabashooyinka waxbarasho ee khuseeya qeybta mas'uuliyadayada. Waxaaanu sidoo kale baaritaan ku sameynaa tayada waxbarashada, aanu samaynaa tirokoob, oo aanu dabagal ku samaynaa natiijada waxbarashada.

Waxyaalo dheeraad ah oo ku saabsan Wakaalada iyo kuliyada farsamada gacanta ka akhri

Dalabka iyo gelitaanka

Halkan ayaad ka akhrisan kartaa wax dheeraad ah oo ku saabsan shuruudaha u qalmida, shuruudaha gelitaanka iyo sida aad sameynayso si aad ugu dalbato.

Si aad ugu gasho waxbarashada kuliyada farsamadu gacanta waa inaad ugu horeyn buuxisaa shuruudaha u qalmida ee aasaasiga ah. Waxay taas micnaheedu yahay inaad haysato shahaado dugsiga sare ama wax u dhigma.

Waxa waxbarashooyin badan sidoo kale jira shuruudo wax loo yaqaano shuruudaha aqoonta hore ee gaarka ah.  Waxay caadi ahaan tahay inaad haysato shahaado inaad ku soo baastey/gudubtay koorsooyinka qaarkood ah oo laga soo qaatay dugsiga sare ama inaad khibrad shaqo oo gaar ah leedahay.

Dugsiyadu ayaa gelitaanka maareynaaya

Waxa kuliyada farsamada gacanta ka jira waxbarasho bixiyayaal kala duwan (dugsiyo) kuwaas oo iyagu laftoodu maareynaaya gelitaanka waxbarashadooda. Markasta toos ula xiriir dugsiga haddii aad qabtid su'aalo dalabka ku saabsan iyo waxa shuruudo la iska rabo si aad ugu gasho waxbarashada aad xiiseynaayo.

Taariikhda ugu danbeysa ee dalabka ayaa kala duduwan waxbarasho ilaa waxbarasho.

Maxay inuu dalabkaaga ka koobnaado ay tahay?

Waxa uu dalabkaagu dhabta ah ka koobnaan doono ayaa kala duwan dugsiyada kala duwan iyo waxbarashada kala duwan, laakiin waa kuwan tusaalayaal:

  • Shahaado
  • Warqad shakhsi ahaaneed
  • Shahaadada shaqada
  • Imtixaano shaqada

Macluumaadka saxda ah ee ku saabsan waxa khuseeya waxa laga heli karaa cida waxbarashada diyaarineysa.

Shuruudaha u qalmida/ku haboonaanta ee aasaasiga ah

Waxa dhamaan waxbarashooyinka khuseeya waa inaad haysato shahaado dugsiga sare ah ama wax u dhigma. Xeerarka ayaa ah qaar dabacsan iyadoo dalbadayaasha haysta khibradaha kala duwan ay leeyihiin fursad ay shuruuda ku buuxinayaan.

Waxaad u qalantaa in waxbarasho laguu qaato haddii aad buuxiso mid ka mid ah kuwan soo socda:

  1. Aad haysato shahaado dugsi sare oo aad ka qaadatay dugsiga sare ama waxbarashada dadka waaweyn ee degmada/kamuunka.
  2. Aad haysto waxbarasho Iswidhish ah ama ajnabi ah oo u dhiganta shuruudaha qodobka 1 ku xusan.
  3. Aad degan tahay Danmark, Finland, Iceland ama Norway oo isla markaasna aad u qalantid waxbarashada halkaas u dhiganta.
  4. Iyadoo la isticmaalaayo waxbarashada iswiidhishka ama ajaanibka ah, khibrad farsamada gacanta laga qabanaayo ama xaalado kale dartood aad leedahay shuruuud aad uga faa'iideysanaya waxbarashada.

Qodobka 4-aad waxa uu ku saabsan yahay inaad ugu qalmi karto hab kale oo aan aheyd adigoo shahaado dugsiga sare isticmaalaaya. Dadka oo dhami waxay wataan aqoon iyo xirfad. Qaarkood ayaa la kasbaday iyadoo la soo maraayo waxbarashada rasmiga ah tusaale ahaan dugsiga sare ama waxbarashada jaamacada, halka qaar kale ay ka imaan karaan shaqada, hawlaha jaaliyadaha/ururada ama kooro xilliga firaaqada la qaatey. Waxa taas loo yaqaanaa xirfada dhabta ah. 

Dugsiga aad dooneyso inaad wax ka barato waa inuu awoodaa inuu qiimayn ku sameyn karo aqoontaada dhabta ah. Waxa laga yaabaa in dugsigu uu tusaale ahaan imtixaano kala duduwan sameeyo si uu ugu eego inay aqoontaadu ta waxbarashada dugsiga sare u dhigantoo. Qiimaynta ayaa siyaabo kala duwan u eekaan karta. Nidaam gaar ah ayaa loo yaqaanaa ansaxin. 

Aqoonta hore ee gaarka ah

Waxa waxbarashooyin badan xitaa la iska rabaa shuruudo ah in la leeyahay aqoonta hore ee gaarka ah. Taasi waxay kala dudwan tahay waxbarashooyinka kala duduwan. Waxay noqon kartaa inaad u baahato inaad shahaado gudbis/baasitaan ah oo hal ama dhowr koorso oo gaara ah oo dugsiga sare laga soo qaatey aad haysato. Waxbarashooyinka qaarkood waxa la iska rabaa khibrad shaqo oo qeyb xirfad gaar ah ka socota ah si aad ugu qalanto. Marka shuruudaha aqoonta laga reebo ayaa xitaa shuruudaha kala la iska dalban karaa, tusaale ahaan inaad liisanka gaariga haysato.

Dugsiga la xiriir si aad ugu ogaato waxa shuruudo waxbarashada aad xiisaynayso la iska rabo.

Fursada lagu qaadanaayo waxbarashada ka horeysa ee u qalmida

Haddii aanad buuxin kareynin shuruudaha gaarka ah ee waxbarasho ayay jiri kartaa fursad lagu galaayo waxbarasho ka horeeysa taas oo ku siineysa aqoonta gaarka ah ee la iska rabo. Waxbarashooyinka ay halkaasi khusayso ayaad ka helaysa ciwaanka "Aqoonta gaarka ah (Särskilda förkunskaper)" ee ku taala bogga waxbarashada lagu sharaxaayo.

Wayaalaha ka reeban shuruudaha u qalmida

Qofka aan buuxin kareynin shuruudaha rasmiga ah ee u qalmida ee aasaasiga ah iyo aqoonta gaarka ah ee ka horeysa, ayay weli jirta fursad lagugu qaadanaayo. Dugsiga ayaa dabcan wax ka dhaafi kara haddii lagu qiimeeyo in qof dalbade ah uu awoodi karo inuu ka baxo waxbarashada oo uu ka shaqeeyn karo xirfadda ay waxbarashadu kuu horseedayso. Dugsiga toos ula xiriir si aad ugu ogaato haddii fursadan laga helaayo waxbarashada aad xiisaynayso.

Aqoonta af Iswiidhishka

Haddii uu afkaago hooyo yahay luqad kale oo aan Iswidhish, Danish, Faroese, Icelandic ama Noorwiiji, aheyn waa inaad leedahay aqoonta Iswidhishka ee la iskaga baahan yahay si aad waxbarashada ugu bixi karto. Waa dugsiga cida go'aaminaysa ee eegaysa haddii aqoonta la iskaga baahan yahay aad leedahay.

Suuqa shaqadu ayaa dalban kara inaad leedahay xirfadaha luuqa ee xirfada u gaarka ah. Si aad xirfadaha luqadda ee noocaas ah ugu hesho ayay adiga arday ahaan kuu suurtogal noqon kartaa inaad ku hesho waxbarasho af Iswiidhish ah oo xirfada u gaarka ah  (SMY).

Xulashada iyo qaadashada

Haddii ay dadka soo dalbadey ka badan yihiin tirade inta boos waxbarasho ee la hayo ayaa dadka la kala xulanayaa. Siday taasi u dhaceyso ayaa kala duduwan waxbarshooyinka kala duduwan. 

Shuruudaha kala xulashadu waxay noqon karaan mid ama qaar ka mid ah kuwan soo socda:

  • Shahaado
  • Imtixaan gaar ah (imtixaan la galaayo ama waraysi)
  • Waxbarashadii hore
  • Khibrada xirfada

Haddii aad su'aalo ah ka qabtid sida ay kala xulashadu u dhaceyso iyo sida aad iskugu diyaarin karto, ayaad markaas la xiriiri kartaa dugsiga waxbarashada qabanqaabinaaya.

Gunada waxbarashada iyo kharashka waxbarashada

Dhammaan waxbarashooyinka ku jira kuliyada farsamada gacanta waxay xaq u leeyihiin gunada waxbarashada eeCSN laga helo iyadoo ay ku dhawaad dhammaantoodna bilaash yihiin.

 

Kuliyado farsamada gacanta badankoodu waa bilaash in la dhigto laakiin waxa jira qaar dhif ah oo ay ardaydu kharash/fii bixiyaan. Waxbarashooyinka oo dham waa inaad adigu kharashka buugta iyo qalabka kale ee waxbarashada iska bixisaa, si la mid ah sida waxbarashada jaamacadaha oo kale. Markasta fiiri wixii kharashaad ah ee imaan kara ka hor intaadan waxbarashada is qorin.  

Dhammaan waxbarashooyinku waxay xaq kuu siinayaan in gunada waxbarashada ee Centrala studiestödsnämnden (CSN) laga helo la qaato. Waxay taasi khuseysaa xitaa xilliga tabobarka LIA (Shaqada lagu baranaayo) taas oo goobta shaqada lagu sameynaayo.

Si aad xaq ugu yeelato gunada waxbarashada ee Iswidhishka markaad muwaadin ajnabi ah tahay, waa inaad shuruudo buuxisaa. Waa shuruudo kala duwan taas oo ku salaysan waddanka aad muwaadin ka tahay.

Wax dheeraad ah oo ku saabsan gunada waxbarashada ka sii akhri bogga internetka ee CSN-ta

Af Iswiidhishka xirfada ku wajahan

Waxa uu suuqa shaqadu codsan karaa inaad xirfad luuqad ahaaneed ee gaarka ah leedahay. Si aad ugu hesho aqoonta noocaas ah ee xirfada ayay qofka wax baranaaya suurtogal u noqon kartaa inuu helo casharo Iswiidhish ah oo xirfada ku wajahan (SMY).

Ujeedada laga leeyahay casharada af Iswidhishka ee xirfada ku wajahan ayaa ah si aad ugu hesho xirfadaha luqadeed ee xirfadaas gaarka ah ee aad baranayso la iskaga baahan yahay. Waxay taasi keeni kartaa inay kuu dhib yaraato inaad waxbarashada ka dib shaqo hesho.

Sidan ayaad sameynaysaa

La xiriir dugsiga oo u sheeg baahidaada casharada Iswiidhihska ah ee ku  wajahan xirfada. Waa cidda waxbarashada bixinaysa (dugsiga) cida qiimeynaysa haddii ay jiraan shuruudo casharada lagu qaadanayaa. Waxa SMY sameyn kara dugsiga laftiisa ama kaaliye uu dugsigu casharada u shaqaaleysiiyo.

Marka uu dugsigu ogaado inay baahidu jirto oo uu arko inay suurtogal tahay in SMY la bixiyo, ayay Wakaaladda farsamada gacanta ka dalbanayaan dakhli.

Xirfad dhab ah – ansixi khibradahaaga

 

Swedish National Agency for Education (Skolverket)

Swedish Public Employment Service (Arbetsförmedlingen)

The Swedish Council for Higher Education (Universitets- och högskolerådet)

studera.nu

SDG base logo